News

Wararka Radio Xoriyo
Barnaamijkii Radio Xoriyo
16 May 2006
 
Ciidammadii Itoobiya oo dhaqdhaqaaqii joojiyay iyo amar Kililka la siiyay.
 
Dagaallo dhexmaray ciidammada xoreynta Ogaadeenya iyo kuwa cadowga.
 
 Dad la jidhdilay iyo kuwo hanti laga boobay.
 
Baaq ay JWXO dadwaynaha u jeedisay.
 
JWXO oo bayaan ka soo saartay ciidammada Itoobiya keentay Ogaadeenya.
 
G/K/xigeenka Gudiga Daryeelka Maxabista Ogadenya Xaaji Maxamed oo ka warbixinaya Maxabistii laga soo fardamiyey xabsiga Hargaysa(Maqal).
 
======================   
 
Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay in ciidammadii weerarka ahaa ee xukuumadda Itoobiya keentay dalka Ogaadeenya ay dhaqdhaqaaqii joojiyeen, dhawrkii maalmood ee u denbeeyayna ayna samaynin wax dhaqdhaqaaq ah.
 
Arrintani waxay ku lug-leedahay shirkii ay saraakiisha hawlgalkan hooggaaminaysa ku yeesheen magaalada Jigjiga intii u dhexaysay 11-13 May 2006. Shirkaasi wuxuu ahaa mid dib loogu qiimaynayay hawlgalkan, waxaana ka qayb galay saraakiisha ciidammada, iyadoo sidoo kale loo yeedhay maamulka Kililka iyo shaqaalaha ilaa iyo heer degmo.
 
Waxay saraakiisha gumaysigu isla qireen inay khalad galeen markii ay hawlgalkan billaabeen iyagoon adeegsanin maamulka Kililka iyo dadka la shaqeeya. Sidaas darteed waxay go’aansadeen in maamulka Kililka iyo shqaalahuba ay si toos ah uga qayb qaataan hawlgalkan. Waxaa maamulka iyo shaqaalahaba lagu amray in qof waliba uu degmadiisii ka hawlgalo, laga billaabo todobaadkan. Qofkii diida inuu hawlgalkan ka qayb galana meeshiisa in lagu toogto ayay go’aamiyeen.
 
Dhinaca kale waxaa sabtidii magaalada Qabridaharre ka dagay Gurey Fidaariyo Khadar Macalin. Toddobaad iyo badh ayaa laga joogaa markii ay ciidammada gumaysiga Itoobiya ee Qabridaharre isugu yeedheen odayaasha Qabridaharre ooy ka dalbeen inay la shaqeeyaan, hase yeeshee ay odayaashu arrintaas ka diideen, taasoo keentay in dadwaynaha magaalada si wayn loogu caga-jugleeyay.
 
Wuxuu kaloo wariyuhu noo soo sheegay in roobab aad u badani ay dalkoo dhan ka da’ayaan. Wuxuu noo sheegay in habaynimadii axaddu soo galaysay oo dhan uu roob aan kala qaadini ka da’ayay dalka Ogaadeenya oo dhan.
 
Dhawaan waxa amagaalada Shaygoosh ku dhuftay roobab duufaan wata, waxayna dumiyeen guryihii magaalada ku yaallay, waxaana duufaankaas ku dhaawacmay labo qof.
 
Dagaallo dhexmaray ciidammada xoreynta Ogaadeenya iyo kuwa cadowga.
 
Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo dhawr ah o dhexmaray ciidammada xoreynta Ogaadeenya iyo kuwa gumaysatada Itoobiya, waxayna dagaalladaasi u dheceen sidatan;
 
12/05/06 dagaal ka dhacay magaalada Farmadow waxaa ciidammada gumaysatada lagaga dilay 9 askari, 13 kalana waa lagaga dhaawacay.
13/05/06 Gabagabo dagaal ka dhacay waxaa ciidamada gumaysatada loogu gaystay khasaare ba’an oon faahfaahintiisa la haynin.
 
06/05/06 Barraajisla waxaa lagu gubay baabuur Uuraal ah, waxaana halkaas ku bas-beelay baarbuurkaas iyo wixii saarnaa.
 
Dad la jidhdilay iyo kuwo hanti laga boobay.
 
Ciidammada gumaysatada Itoobiya ayaa meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah dhibaatooyin ugu gaystay dadwyane rayad ah oon waxba galabsanin. Ciidammada gumaysatadu waxay jidhdil ba’an u gaysteen dadwayne ku dhaqan degamada Garigo’an, waxayna kala yihiin dadka la jidhdilay;
 
1-    Axmed-Saafi Cismaan
2-    Axmed Muxumed Guuleed
3-    Dayib Shariif Sulub
4-    Cabdi-dhuub Deeq Cumar
5-    Sh Maxamed Macalin Ibraahim
6-    Deeq Maxamed barre
7-    Nuur Xuseen Cumar
8-    C/llaahi Axmed Birdiid
9-    Deeq Xaashi Xuseen
10-                  Cabdi-raan Xirsi
11-                  Xuseen Good Yoonis iyo
12-                  Ismaaciil Siyaad
 
Ciidammada gumaysatada Itoobiya waxay sidoo kale hanti kala duwan ka dhaceen dadwayne rayad ah oo ku dhaqan degmada Garigo’an, waxayna kala yihiin dadka hantida laga dhacay;
1-    Axmed Rooyal oo laga dhacay 2200 oo Bir
2-    Kaltuun Macalin oo iyadana laga dhacay 3600 oo Bir
3-    Axmed yaasiin oo laga dhacay 1 kaatoon oo Baasto ah iyo 1 kaartoon oo Sigaar ah
4-    Saafi Axmed Nuur oo laga dhacay 2 kiish oo Sonkor ah
5-    Nuur Xuseen Cumar oo laga dhacay Rikoodh iyo
6-    Xaliimo Maxamed oo iyadana Dhar badan laga dhacay.
 
Degmada Baka waxay ciidammada gumaysiga Itoobiya rarteen wixii hanti taallay oo dhan. Waxay sidoo kale hanti badan ka rarteen tuulooyin dhawr ah oo ka tirsan gobolka Doollo.
 
Waxaan hadda ka hor idiinka soo tabinay in ciidammada gumaysatada Itoobiya ay gabadh yar ku kufsadeen magaalada Qabridaharre. Gabadhaas aya alagu magacaabi jiray Umayma Khaalid.
 
 
Baaq ay JWXO dadwaynaha u jeedisay.
 
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO, iyadoo ka duulaysa dagaalka ballaadhan ee xukuumadda gumaysatada Itoobiya ka billowday dalka Ogaadeenya, waxay dadwaynaha sharafta leh ee Soomalida Ogadeenya ugu baaqday inay ka feejignaadaan khiyaamooyinka cadowga, isla markaana ay ka dhawrsadaan inay wax gacan ah siiyaan.
 
Waxay kaloo JWXO ugu baaqday dadwaynaha inay ku baraarugsanaadaan inay jiraan ciidammo ka mid ah kuwa gumaysatada Itoobiya oo goosta iyo kuwo kale oo iyaguna ka firxada dagaallada ay iskaga horyimaadaan iyaga kuwa xoreynta Ogaadeenya.
 
Sidaas darteed waxaa dadwyanaha loogu baaqay inay nabadgeliyaan ciidammada baxsadka ah ee Itoobiya ooy u soo dhiibaan ciidammada xoreynta Ogaadeenya, isla markaana ka feejignaadaan kuwa firxadka ah een isu dhiibin.
 
JWXO oo bayaan ka soo saartay ciidammada Itoobiya keentay Ogaadeenya.
 
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO ayaa sabtidii bayaan caalami ah ka soo saartay ciidammada faraha badan ee gumaysatada Itoobiya ku soo daabushay dalka Ogaadeenya iyo hawalgalka millatari ee Itoobiya ka fulinayso dalka Ogaadeenya.
 
Bayaankan waxay JWXO beesha caalamka ku baraarujisay in xukuumadda Itoobiya ay kumannaan askar ah ku soo daabushay dalka Ogaadeenya toddobaadyadii u denbeeyay, taasoo caddayn u ah in Itoobiya ay diiddan tahay nabad ku timaada wadaxaajood iyo in xal loo halo isku dhaca dagaal ee gobolka ka jira.
 
Bayaankan waxaa kaloo lagu sheegay in xukuumadda Itoobiya marka la eego ciidammada ay ku soo kordhisay kuwii horay uga joogay dalka Ogaadeenya ay ka dhigan tahay inay u caddasay dadka Soomaalida Ogaadeenya inaanay danaynaynin in dhibaatada Ogaadeenya loo helo xal siyaasadeed iyadoo la adegsanayo wadahadal, iyadoo arrintaas ku baddashay  daandaansi millatari.
 
JWXO waxay beesha caalamka ka codsatay inay tallaabo degdeg ah ka qaadaan weerarrada ay Itoobiya ku qaadayso dadka Ogaadeenya oo markii horaba dhibaato ka haysatay macaluul ka dhalatay abaarta halkaas ka jirta.
 
JWXO waxay marka kale daboolka ka qaaday inay diyaar u tahay inay maamulka Itoobiya wadaxaajood toos ah la yeelato marka wadaxaajoodyadaas lagu qabto waddan dhexdhexaad ah, isla markaana uu goobjoog ka ahaado dhexdhexaadiye caalami ah, iyadoo labada dhinac midna aanuu wadaxaajooyada shuruudo hordhac ah ku xidhin.
 
16 May 2006.
Axmed Gaal-Eri
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu yahay 11865 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari


History | Video/Audio | Interviews | Pictures | Discussion Forum | Contact Us ©2004 Radio Xoriyo