May 16, 2006 (RX) Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Jarar ayaa sheegaya in malintii sabtida ahayd ee bishan May 13, 2005 uu dagaal aad u kulul ka dhacey ceelka caanka ah ee Bulaale. Kadib markii Ciidamada Xoreynta Ogadeniya (CXO) ka war haleen in ay Ciidamada Gumeysiga ee fadhiyey agaas ay wadaan diyaar garow ay ugu soo gurmanayaan ciidamo Itoobiyaan ah oo CXO ku helay Magaalada Awaare.
Ciidamada Itoobiyaanka ee fadhiyey Ceelka Bulaale ayaa tiradodu waxay ahad 65 askari, waxaana goobtaas lagaga dilay 43 askari iyada oo nolol lagu qabtey 10 ka mid ah askartaas, kuwaas oo ilaa hada ku jira gacanta CXO. Sidoo kale waxay CXO halkaas ku furteen dhamaan wixii sanad milatari ay haystaan Ciidamada Gumeysiga Itoobiya.dhanka kale wararka naga soo gaadhaya deganka ciid ee u dhaxeeya labada gobal ee qoraxay iyo jarar ayaa wuxuu sheegayaa in ciidamada gumaysiga itoobiya ay halkaasi shir balaadhan oo ay ku qasbeen dadka shacabka ah ku qabteen iyaga oo dadkii shacabka ahaa ku wargaliyey in ay dhamaan wixii hub ahaa oo ay haystaan ku soo wareejiyaan ciidamada Itoobiya. Ujeedada arintaas ayaa waxaa lagu micneeyey in ay ku lugleedahay sidii dadkaasi shacbka ah hubka looga dhameeyn lahaa si ayna falcelin uga sameynin gumaadka ay ciidamada ku hayaan dadka shacabka ah. dadka reer miyiga ayaa waxay dhaqan u leeyihiin haysashada qoryaha fudud. iyaga oo xoolahooda kaga ilaalsada dugaaga, lamana garaayo sida ay arintan u suuragalayso.
dhinaca kale wararka naga soo gaadhaya Adis Ababa ayaa sheegaya in uu kaligii taliye Malez uu booqasho degdeg ah ku tagay xaruunta ciidamada cirka ee dabrazeyt wuxuuna halkaas kula kulmay oo shir kula qaatay saraakiisha ciidanka cirka iyo duuliyayaasha ee ku sugan dabrazeyt wuxuuna amar ku siiyey in ay ka qeyb galaan duqeynta iyo rusheeynta lagu hayo dadka shacabka ah ee soomaalida ogaadeeniya ee hawlgalkan cusub lagu bilaabay. balse ciidamada cirka ee Itoobiya ayaa malez Zenawi uu si rasmi ah ugu sheegeen in ayna diyaar u ahayn loona soo tababarin in ay duqeeyaan dad shacab ah oon waxba galabsanin ama dad ay ku tilmaameen dad mucaarad ah oo dawlada Itoobiya ka soo horjeeda. |