|
Garowe:- Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa shaaca looga Qaaday in Dowlad Gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland ay si rasmi ah kalsoonidii ugala noqotay Raysalwasaare Cali Maxamed Geedi.
May 21, 2006
Qoraalkan uu ku saxiixan yahay Madaxweynaha Puntland Md.Maxamuud Musse Xirsi (Cadde Musse) ayaa shaaca looga qaaday in Puntland ay mar danbe u dul qaadan doonin xad gudubyada uga imaanaya dhinaca Raysalwasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Qoraalka oo jawaab u ah qoraal uu 18kii bishan soo saaray Prof.Cali Maxamed Geedi oo uu ku sheegay in Puntland aysan ku dhaqaaqi karin wax baaritaan ama soo saarid ah Batroolka.
Qoraalka maanta kasoo baxay Madaxtooyada Puntland oo ku saxiixan yahay Madaxweynaha ayaa si kulul looga jawaabay hadalkii Cali Maxamed Geedi.
Madaxweynaha Puntland ayaa qoraalkan ku sheegay inkastoo uu Waraaqdii Cali Geedi ku qoray inuu usoo diray Madaxweynaha Puntland, aysan warqadaasi soo gaarin Madaxtooyada Puntland, balse xukuumada ay ka aragtay Websiteyada INternetka. Arrintaasi oo ay dowlada Puntland ku sheegtay meel ka dhac in ay tahay.
Qodobada ku qornaa Qoraalkii Geedi ayey dowlada Puntland jawaabo adag ka bixisay.
- Qodobka ugu horeeyey ee Jawaabta Puntland ayaa lagu sheegay in Qoraalka Raysalwasaaraha uusan ahayn mid ka tarjumaya codka Dowlada Federaalka Balse ay tahay qoraal ku kooban xafiiska Geedi.
- Qodobka labaad ee qoraalka ku qoran ayaa lagu sheegay in Dowlada Puntland horey usoo gaareen qoraalo lagu fasaxayo Baaritaanka Batroolka oo ka yimid Prof.Geedi, isla markaana qoraalkan ugu danbeeyey uu yahay mid muujinaya sida hadalada Geedi ay isu burinayaan.
Dowlada Puntland ayaa ku sheegtay wax la yaab ah isbedalka ku yimid Raysalwasaare Geedi 8 bilood ee lasoo dhaafay.
Dowlada Puntland ayaa sheegtay in ay horey ulla socod siisay dowlada Federaalka in ay bilaabeyso Baaritaanka Shidaalka iyo Gaaska isla markaana heshiisyadii hore ee Dowladii hore ee Soomaaliya ay yihiin kuwo hada wakhtigoodii dhamaaday, sidaa daraadeedna Puntland ay sharciyan xaquuq u leedahay barnaamijkeeda Baaritaanka Batroolka.
Dowlada Puntland oo sheegtay in qoraalkii Geedi xambaarsanaa erayo iyo hadalo xasaasi ah isla markaana lagu shaaciyey Internetka inta uusan qoraalkaasiba soo gaarin Dowlada Puntland, ayey dowlada Puntland u aragtaa falkaasi mid meel ka dhac ku ah Dowladnimada Puntland iyo shacabkooda oo ku guda jira baadi goobka horumarka dhinac dhaqaale iyo bulsho-ba.
Maadaama ay noo cadaatay in qoraalka uu soo saaray Geedi isla markaana qaab khaldan loo soo shaac bixiyey Dowlada Puntland waxay ka fursan weyday in ay dib ugala noqoto Raysalwasaaraha Federaalka dhamaan wixii kalsooni ahaa oo ay Puntland ku qabtay xafiiska Raysalwasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliyeed inta uu xilkaasi hayo Cali Maxamed Geedi.
Waxaan qoraalka lagu soo geba gabeeyey in Qoraalka Geedi uu si toos ah uga horyimid horumarka Puntland iyo dadaalka lagu doonayo in lagu kobciyo dhaqaalaha iyo horumarka bulshadeed ee Puntland hiigsaneyso.
Qoraalkan ayuu ku saxiixan yahay Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland Md.Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde Musse).
Jawaabta Puntland ayaa si toos ah loogu diray Raysalwasaare Geedi, waxaana sidoo kale lala socod siiyey Madaxweynaha DFKMG C/laahi Yusuf Ahmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan Shiikh, iyo Shirkada Range Resource.
Qoraalkan kasoo baxay Dowlada Puntland ayaa lasoo saaray kadib markii ay Golaha Wasiirada Puntland ay shirar ka yeesheen qaabkii looga jawaabi lahaa qoraalkii dhawaan kasoo baxay dhinaca Raysalwasaare Cali Maxamed Geedi.
|