| ONLF oo iska fogeysay in ay ku lug leedahay dagaalada Muqdisho Mogadishu 20 May 2006 ( Sh.M.Network) Jabhadda ONLF ayaa jawaab kulul ka bixisay hadalkii ka soo yeeray gudoomiyaha maamulka gobolka Sh/dhexe Max'ed Dheere ee ahaa in Jabhadda ONLF ay ku xiran tahay ururka Al-qacida.
K/simaha Xasiiska Jabhadda ONLF ee Somalia Mubaarak Sheekh C/laahi oo u waramay Shabelle ayaa iska fogeeyay in jabhadooda ay xiriir la leedahay ururka Al-qacida, waxaana wax lagu qoslo uu ku tilmaamay war ka soo yeeray Maalintii shalay Gudoomiyaha maamulka Sh/dhexe Max'ed Dheere oo sheegayay in Kooxo ka tirsan ONLF ay ku lug leeyihiin dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho.
Waxa uu intaasi ku daray in jabhada ONLF aanu boos uga banaaneyn in magaalada Muqdisho ay ka huritaan dagaalo, isla markaana ay dagaalo xurnimo doon ah ay ka wadaan dhulka ismaamulka Somalida ethiopia oo Gumeysi lagu hayo.
Si kastba aha ahaatee dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa xubnaha isbaheysiga intooda badan waxa ay saxaafadda u sheegeen in dagaaladaasi ay ku lug lahaayeen kooxo ajnabi ah.
|